Thursday, January 30, 2014

‘’Bedel fekerkaaga si ficilkaagu isu bedelo natiijaduna isu bedesho ‘’

‘’Bedel fekerkaaga si ficilkaagu isu bedelo natiijaduna isu bedesho ‘’
 Tartanka Jiirku ‘’ waa sheeko ka turjumaysa cawaaqibka ka imaanaaya haddaan qofku beddelin  wixii aan siinayn natiijadii uu rabay.
jiirku markuu damco inuu horay usocdaba waxaa la wareegaysa garaangarta.  Markay garaangartu la wareegtana waxa uu kusoo  noqonayaa meeshii uu markii hore taagnaa. In allale iyo inta uu xaalada uu kujiro ay tahay in uu garaangartaa dul saaran yahay meel uu u socdo maleh, xitaa hadii uu xawaaraha orodkiisa kordhiyo.  Waayo haddii uu horay u dhaqaaqo iyo hadii uu dib u socdaba wuxuu kusoo noqonayaa meeshii uu kabilaabay, bal isweydii hadii uu jiirkani rabo in uu qaraab tago maxay tahay in uu sameeyo?  Waa inuu garaangarta kadago .Haddii uuusan intaa samayn ,tabarta ayaa kadhamaanaysa hal kaas ayuuna ku bakhtiyayaa.
Xigasho    Buuga layiraahdo ‘’Himiladaada Hano’’. W/Q:  Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibeed)


Mohamed Said Abdulle
ISTVS Resoruce Centre Research Assistant and Tutorial assistant in the department of Basic vet science
Sheikh ,Somaliland 
Email: Mohamedsaid@stvs-edu.org 
Tell: +252634188579

No comments:

Post a Comment