Thursday, January 30, 2014

Waxyaalaha aan jeclaan lahaa inuu Wax kaqabto Madaxweyne prof ,Abdiweli Mohamed Ali Gaas

Waxay ahayd taarikhdu 8dii Janaayo 2014 maalin arbaca ah markii  isbedel in badan oo aduunya kamid ahi ay indhaha ay kuhaysay uu kadhacay deegaanada Puntland ee Soomaaliyeed, isbedelkaas oo ahaa Madaxweyne cusub oo xilkii loo doortay iyada oo Madaxweynihii hore ee xilkaas hayayna uu si sharaf leh oo muwaaadinimo kujirto uu u aqbalay natiijadii doorashada  sidaasna uu xilkaas kuwareejiyay. runtii aad bay u adagtahay qaaradaan afrika ee aynu kunool nahay in isbedel siyaasadeed uu kadhaco si nabad gelyo lehna u u qabsoomo. inkastoo dimiquraadiyada aaanay soomalida maantay ugu horayn oo horaantii 60kii soomaalida lagu tiriyo dadkii bilaabay dimiquraadiyada afrika maadama 1967tii madaxweynihii jamhuuriyadii soomaliyeed mudance Aden Abdulle Osman uu xilkii si nabad gelyo leh ugu wareejiyay mudane Dr. Abdirashiid ali sharmaake oo xilkaas lawareegay ahaana madaxweynihiii jamhuuriyada ilaa intii 1969kii.

Madaxweyne Abdiweli Mohamed Ali waxaa uu xilka loo caleemo saaray dhawr casho kahor , waxay ahayd 28kii bishan Janaayo markii madaxweyne Gaas uu soo dhisay golaha xukuumada oo dadweynahu soo dhaweeyay intooda badan. hadaba golaha xukuumada madaxweyne gaas waxaa horyaal hawlo badan . madaxweyne gaas waxaa la xasuustaa balan qaadyo aad u badan inuu jeediyay mudadii uu kujiray ololaha doorashooyinka isagoo safarna ku kala bixiyay gobola puntland intooda badan.

Hadaba waxaan jeclahay inaan halkaan kusoo gudbiyo waxyaalaha aan isleeyahay waa in madaxweyne gaas uu kutalaabsadaa ama wax kaqabtaa shanta sano ee soo socoto. sida xaqiiqada ah majirto xukuumada oran karta boqolkiiba boqol ayaan daboolayaa baahida umaddi leedahay , laakin waxaa jira umadd kasta waxyaalo markaas ay tahay in muhiimad lasiiyo :

waxyaalaha soo socda waaa waxyaalaha aan isleeyahay waa in laga dhaxlaa xukuumada madaxweyne gaas:
1. Hirgelinta habka dumiquraadiyada iyo doorashooyin dadweynaha dib loogu celinayo in ay iyagu doortaaan cidda xukumaysa. ( multi party system )
2. Dhamaystirka mashaariicda qabyada ah ee ay kamid yihiim , garoonka boosaso , garoonka garoowe , kan galkacyo , dhamystirka dayactirka wadada isku xidhta Garowe iy Galkacyo.
3. Dhamystirka masharicda jidadka eyl iyo Garowe oo ah wado Jay ah ( Feeder road) oo loogu tala galay in gawaarida malaayga ama kaluunka sida ay si fudud magalad Garowe usoo gaari karto .
4. Isku xidhka magaalooyin xeebeedka Garacad , jariiban iyo Magalada galkacayo si kor loogu qaado Ganacsida kuxidhan badda sida kaluumaysiga ( fish industry)
5. Dhamaystirka ama hrigelinta heshiiskii dawlada degaanka somalida etheopia iyo Puntland ee asaaska kastomkii Daara -salam si loo fududeeyo Ganacsiga kadhaxeeya labada Gobol.
6. Daabacaada lacag cusub maadama lacagtii hore ay aad uyaraatay , taasina waxay ubahantahay in dawlada federaalka ah lagala shaqeeyo ,dawladii hore wax badan oo arintaan laxiriira ayay isku day day laakin dhanka Federaalka aya wax badan oo caga jiid ah ama wax qabad la aan ay kajirtay markasta. arintaani waxay u baahan tahay in talo fiican laga gaaro.
7. kor u qaadida xidhiidhka caalamiga ah iyo kan gobolada . xidhiidhka caalamiga ah waa mid runtii ay wax weyn kaqabatay dawladii hore ee Madaxweyne Faroole , waa in kor loo sii qaado isla markaana lahelo maalgashi caalami ah.
8. Kashaqaynta sidii xidhiidh iyo wada shaqayn kudhisan waxaan loo yaqaan matualism loola gaari lahaa dawlada kadhisan muqdisho. maadama ay haysato aqoonsigii caalamigaa haa.
9. in dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur iyo in kor loo qaado xirfad layaasha ( technical personnel) si loo helo isku filnaanso xaga farsmada gacanta ah.
10. dib u eeegis lagu sameeyo siyaasada waxbarashada wadanka tan foormalka ah iyo tan sareba ; sidee ?
waa in lahelo manhaj ka turjumaya baahida dadka ( curriculum that addresses the main problems facing our country and strategic goals of near future). in lasameeyo waxaan loo yaqaan national commision for educational quality assurance si loola sacdo tayada jaamacadaha iyo cilmayada ay bixinayaan.
11. Dib u eegis siyaasada caafimadka iyo xoolaha ee Puntland.

Cududaar: wixii aan khalday naf iyo shaydaan bay ka ahaatay wixii aan saxayna alxamdulih
Wabilaahi TawfiiQ

Mohamed said
ISTVS Tutor and Research Assistant

No comments:

Post a Comment