Sunday, October 12, 2014

Waa sidee Xaalka Soomaliya Kadib 60 Sanadguuradii kasoo wareegtay Maalintii la asaasay Calanka



Dalkeenu waxaa uu dawlad iyo sharci darro ahaa in  kabdan 20 sano, maalmaha qaran sida maanta oo kale oo ku beegan maalintii la a saasay calankeena quruxda badan waxa ay dad badan xasuusisay sharafka uu lahaa qarankeenii Soomaaliyeed. astaanta calanku waa astaan qaran oo dadka Soomaaliyeed midaysa . Hadaba Munaasabadan Maalintii la a saasay calanaka 1954, waxa ay kusoo beegantay iyada oo dalkeena ay hormaro waaweyn kadhaceen sanadihii lasoo dhaafay gaar ahaan sanadkaan aynu imminka kujirno ee 2014 ka.  Waxaa marag madoonto ah in dalkeenu uu kusocdo wada wanaagsan insha allahu waxaan rajaynayaa in aynu lasoo noqon doono magacii iyo sharaftii aynu aduunka iyo qaaradaba kulahayn dhawr iyo labaatan sano kahor.
Ururka Al-Shabaab oo ahaa aafo ama musiibo dadka Soomaaliyeed naafaysay una diiday inay harsadaan hadhaka qaranimada iyo dawladnimadu leedahay, waxaa ku dhacay jab weyn, waxay ahayd maalmo kahor markii laga saaray xaruntii ugu weynayd ee magaalada Baraawe. Sidoo kale waxaa ladilay horjooge Ahmed Godane oo ahaa hogaamiyihii kooxdaas madaxa adag ee dhiiga umadda Soomaaliyeed xalaasahatay.  Waxaa lagu guulaystay in Maamul kumeel gaar ah laga sameeyo meelo badan oo kamid ah dalka, maamuladaas oo aan rajaynayo in ay karti u yeeshaan in ay dib usoo celiyaan kala danbayntii iyo nidaamkii, isla markaasna abuuraan jawi ay dadku si wanaagsan ugu noolaan karaan, kuna samayn san karaan fursado ay noloshooda kumaareeyaan.
Hormarka Magaala madaxda dalka, ee Muqdisho, waa mid aan la iska indho tiri Karin, runtii waxaa kasocda magaalada hormar weyn oo qofkasta oo Soomali ahi uu kufarxi karo. Waxaa soo laabatay dad badan oo qurbo joog ah oo hawlo shaqo kabilaabay magaalada Muqdisho. Waxay ahayd maalin kahor markii aan nin aan saaaxiibo nahay oo katagay Magaalada Garowe uuu booqday magaaladii muqdisho oo horay ugu dhashay dhamaadkii 1980 maadkii , waxa uu iga la soo xiriiray aalada facebook a , waxa uu iiga sheekeeyay waxyaalaha uu ku arkay magalada Muqdisho , waxaa uu ii sheegay in uu habeenkii magaalada dhex maro ilaa tobanka habeenimo , waxaa uu ii sheegay in uu dalxiis kutagay xeebta liido halkaas oo maqaaxi kutaal uu ii sheegay inuu kahelay malaay ama kalluun fresh ah , sharaab , iyo weliba isaga oo awood u yeeshay in uu galo ama ogolaansho u helo inuu isticmaalo ‘’Wifi’’ ama internet . 
Waxay ahayd tobaadkaan aan kujirno markii madaxweynaha dawlada federaalka ah Mudane Hassan Sh. Mohamoud uu xariga kajray bangi ay ganacsato soomaaliyeed ka furteen magalada muqdisho oo lagu magacabo ‘’Somali standard Bank’’.  Isla tobaadkaan waxaa uu madaxweynuhu xarija kajaray safaaradii shiinaha ee magaalada muqdisho oo dib loo furay. Waxaa xusid mudan in hawlo badan oo dublimaasiyadeed ay magaalada kasocdaan.
Waxay ahyd bishaan aan kujirno horaanteedii markii lasoo saaray naqshada ama qaabka uu noqon doono aqalka cusub ee golaha shacabka soomaliyeed, kaas oo ay dawlada sacuudigu ay maalgalin doonto, aqalkaas oo si aad u casri ah loo dhisi dooono.  Horay waxaa loo bilaabay casriyaynta garoonka iyo dakada muqdisho oo dawlada turkigu ay gacanta kuhayso.

Waxaa iyadana xusid mudan in magaalada muqdisho wadooyin badan la dayactiray, taas oo dib usoo celisay quruxda iyo bilicda magaalada.

Raysal wasaare Abdiweli Sh. Ahmed Mohamed, waxaa uu booqday Puntland, si khilaaf u dhexeeyay dawlada dhexe e federaalka Soomaliya iyo Puntland loo dhameeyo. Waxaa uu lakulmay soo dhawayn aad u heer saraysa. waxaan rajaynaya in booqashada raysal wasaaruhu ay meesha kasaarto mad madowgii soo kala dhex galay labada dhinac , taasi oo horseedi karta in laga wada shaqeeyo in Soomaliaya dib loo dhiso .

Waxay ila tahay in dalku uu hayo wadadii saxda ahayd, insha alaahu waxaan rajaynayaa waqti aan fogayn in isbedel weyni dhici doono. Dabacan, waxaan meesha ka marnayn in dhibaatooyin ay jiraan, waayo dal dagaalo kazoo baxay dhawr iyo labaatan sano soconayay, waxay ila tahay in qofkasta uu fahmi karo inta ay le egtahay baaxada burburka mujtamac, dhaqaale iyo muuqaalba ee dalkaas gaaari kara.

Waxaa iyadana marag madoonto ah in uu dhacay waxaan afka qalaad lagu yiraahdo ‘’ paradigm shift’ weyn oo ah in dad badani ay badaleen sidii ay markii hore wax u arkayeen ama ufakara yeen ama waxay aamin sanaayeen, waxaad moodaa in dadkii ay soo galayso muwaadinimo, iyo dalkii loo shaqeeyo.

Ilaahay waxaan karajaynayaa inuu dadka Soomaaliyeed uu walaaleeyo meelkasta ay joogaan.



Mohamed Said Abdulle 

No comments:

Post a Comment