Dalkeenu waxaa uu dawlad
iyo sharci darro ahaa in kabdan 20 sano, maalmaha qaran sida maanta oo
kale oo ku beegan maalintii la a saasay calankeena quruxda badan waxa ay dad badan
xasuusisay sharafka uu lahaa qarankeenii Soomaaliyeed. astaanta calanku waa
astaan qaran oo dadka Soomaaliyeed midaysa . Hadaba Munaasabadan Maalintii la
a saasay calanaka 1954, waxa ay kusoo beegantay iyada oo dalkeena ay hormaro
waaweyn kadhaceen sanadihii lasoo dhaafay gaar ahaan sanadkaan aynu imminka
kujirno ee 2014 ka. Waxaa marag madoonto
ah in dalkeenu uu kusocdo wada wanaagsan insha allahu waxaan rajaynayaa in aynu
lasoo noqon doono magacii iyo sharaftii aynu aduunka iyo qaaradaba kulahayn
dhawr iyo labaatan sano kahor.
Ururka Al-Shabaab oo ahaa aafo ama
musiibo dadka Soomaaliyeed naafaysay una diiday inay harsadaan hadhaka
qaranimada iyo dawladnimadu leedahay, waxaa ku dhacay jab weyn, waxay ahayd
maalmo kahor markii laga saaray xaruntii ugu weynayd ee magaalada Baraawe. Sidoo
kale waxaa ladilay horjooge Ahmed Godane oo ahaa hogaamiyihii kooxdaas madaxa adag
ee dhiiga umadda Soomaaliyeed xalaasahatay.
Waxaa lagu guulaystay in Maamul kumeel gaar ah laga sameeyo meelo badan
oo kamid ah dalka, maamuladaas oo aan rajaynayo in ay karti u yeeshaan in ay dib
usoo celiyaan kala danbayntii iyo nidaamkii, isla markaasna abuuraan jawi ay dadku si
wanaagsan ugu noolaan karaan, kuna samayn san karaan fursado ay noloshooda
kumaareeyaan.
Hormarka Magaala madaxda dalka,
ee Muqdisho, waa mid aan la iska indho tiri Karin, runtii waxaa kasocda
magaalada hormar weyn oo qofkasta oo Soomali ahi uu kufarxi karo. Waxaa soo
laabatay dad badan oo qurbo joog ah oo hawlo shaqo kabilaabay magaalada
Muqdisho. Waxay ahayd maalin kahor markii aan nin aan saaaxiibo nahay oo katagay
Magaalada Garowe uuu booqday magaaladii muqdisho oo horay ugu dhashay
dhamaadkii 1980 maadkii , waxa uu iga la soo xiriiray aalada facebook a , waxa
uu iiga sheekeeyay waxyaalaha uu ku arkay magalada Muqdisho , waxaa uu ii
sheegay in uu habeenkii magaalada dhex maro ilaa tobanka habeenimo , waxaa uu
ii sheegay in uu dalxiis kutagay xeebta liido halkaas oo maqaaxi kutaal uu ii
sheegay inuu kahelay malaay ama kalluun fresh ah , sharaab , iyo weliba isaga
oo awood u yeeshay in uu galo ama ogolaansho u helo inuu isticmaalo ‘’Wifi’’
ama internet .
Waxay ahayd tobaadkaan aan
kujirno markii madaxweynaha dawlada federaalka ah Mudane Hassan Sh. Mohamoud uu
xariga kajray bangi ay ganacsato soomaaliyeed ka furteen magalada muqdisho oo
lagu magacabo ‘’Somali standard Bank’’. Isla
tobaadkaan waxaa uu madaxweynuhu xarija kajaray safaaradii shiinaha ee
magaalada muqdisho oo dib loo furay. Waxaa xusid mudan in hawlo badan oo
dublimaasiyadeed ay magaalada kasocdaan.
Waxay ahyd bishaan aan
kujirno horaanteedii markii lasoo saaray naqshada ama qaabka uu noqon doono
aqalka cusub ee golaha shacabka soomaliyeed, kaas oo ay dawlada sacuudigu ay
maalgalin doonto, aqalkaas oo si aad u casri ah loo dhisi dooono. Horay waxaa loo bilaabay casriyaynta garoonka
iyo dakada muqdisho oo dawlada turkigu ay gacanta kuhayso.
Waxaa iyadana xusid mudan
in magaalada muqdisho wadooyin badan la dayactiray, taas oo dib usoo celisay
quruxda iyo bilicda magaalada.
Raysal wasaare Abdiweli Sh.
Ahmed Mohamed, waxaa uu booqday Puntland, si khilaaf u dhexeeyay dawlada dhexe
e federaalka Soomaliya iyo Puntland loo dhameeyo. Waxaa uu lakulmay soo dhawayn
aad u heer saraysa. waxaan rajaynaya in booqashada raysal wasaaruhu ay meesha
kasaarto mad madowgii soo kala dhex galay labada dhinac , taasi oo horseedi
karta in laga wada shaqeeyo in Soomaliaya dib loo dhiso
.
Waxay ila tahay in dalku uu
hayo wadadii saxda ahayd, insha alaahu waxaan rajaynayaa waqti aan fogayn in
isbedel weyni dhici doono. Dabacan, waxaan meesha ka marnayn in dhibaatooyin ay
jiraan, waayo dal dagaalo kazoo baxay dhawr iyo labaatan sano soconayay, waxay
ila tahay in qofkasta uu fahmi karo inta ay le egtahay baaxada burburka mujtamac,
dhaqaale iyo muuqaalba ee dalkaas gaaari kara.
Waxaa iyadana marag
madoonto ah in uu dhacay waxaan afka qalaad lagu yiraahdo ‘’ paradigm shift’
weyn oo ah in dad badani ay badaleen sidii ay markii hore wax u arkayeen ama
ufakara yeen ama waxay aamin sanaayeen, waxaad moodaa in dadkii ay soo galayso muwaadinimo,
iyo dalkii loo shaqeeyo.
Ilaahay waxaan karajaynayaa
inuu dadka Soomaaliyeed uu walaaleeyo meelkasta ay joogaan.
Mohamed Said Abdulle